WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muqdisho Maxaabiis Soomaaliyeed oo laga soo daayey Dalka Hindiya oo hadda soo gaadhay Garoonka-Video+Warbixin

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaadhay qeybtii saddexaad maxaabiis laga keenay dalka, kuwaa oo soo deyntooda dadaal dheeraad ah u ku bixisay dowladda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxaa ay gaareysaa illaa 13 dhalinyaro ah oo doortay in dalka dib ugu soo laabtaan iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxaa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa waxaa laga soo daayay xabsiyada Tajora iyo Sika ee dalka libya, inkastoo ay jiraan dhalinyaro kale oo fara badan, kuwaasi oo xabsiyada wali ku jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaalaysa sidii dhalinyaradaasi xabsiyada ku xiran dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa, inta doonaysa in dalka dib loogu soo celiyo.

SOMALI NEWS

To Top