WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mucaaradka Soomaliland oo afka furtay kana hadlay Ciidamadii isaga baxay maamulkaas ee Puntland aaday-Video

Hargeisa  ( HM) Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay   Ciidamo ka tirsanaa Somaliland oo maalintii shalay ku biiray Puntland, kuwaasi oo Fadhigood ahaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

“Laba Sano oo Xukuumadan Joogtay aad ayay u badatay Cabashada Bulshadu dhankastaba,  Waa markiii koobaad ee calanka dhulka la dhigo,    Waxaana dhaliisha leh madaxwaynaha iyo Wasiirka arimaha gudaha,  oo wakhtigiisu  ku dhamaaday Muranka iyo Dooda  Komishinka Doorashada,     waxaana intaasi   gacanta Somaliland ka baxday    Sanaag Bari”.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa shalay ka dhacday   magaalada Badhan  in Ciidankii Somaliland   iyagoo Jooga Xeradoodii inay ku Biireen Puntland,  taasi oo kasoo go’day Laabtooda iyadoo aysan Jirin cid Qabsatay,    Sanaag bari Galbataye, waxaan ka cabsi badan ka qabnaa inay gobolo kale ka baxaan Gacanta Somaliland “ Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Wadni  Barkhad Jaamac Batuun.

Xisbiga wadani wuxuu Rajjo Xumo ka muujiyey in marka Muuse biixi meesha ka baxo  inay   u imaan waayaan Somaliland oo mid ah . “Xisbi ahaan waxaanu Bulshada Sanaag ugu baaqaynaa Muuse Biixi wuu tagayaa, ee yaan la kala Tagin.”

SOMALI NEWS

To Top