WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Mid kamida Xabsiyadda ugu weyn Afrika oo maanta Muqdisho laga furay iyo Khayre oo Xadhiga ka jaray-Video

Muqdisho ( HM) Munaasabaddaasi lagu xusayo aas-aaska Ciidanka Asluubta awgeed ayaa waxaa maanta xarigga laga jaray Xabsi Qurux badan oo laga hirgaliyay Duleedka Magaalada Muqdisho.

kaasi oo lagu tilmaamay inuu yahay xabsiga ugu ballaarn ee ku yaalla Qaaradda Afrika, iyadoo Maxaabiista xukunada kala duwan lagu rido ay horey loogu heyn jiray xabsiga Dhexe ee Xamar.

Waxaana la filayaa in maxaabiista qaar lagu soo wareejiyo xabsigan cusub marka si rasmi ah loo furo, waxaana Xabsigaasi cusub xarigga ka jaray Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Dhismaha xabsigan wuxuu ka kooban yahay qeybo kala duwan oo la heer ah xabsiyada kale ee caalamka ku yaala sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka AsluubtaSoomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xarumaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa aad loogu diyaar garoobay munaasabadda ku aadan xuska sanad guurada ciidanika Asluubta, iyadoo taliska ciidanka Asluubta munasabaddaasi uu ku soo bandhigay waxqabadka sanadkii tegay 2018-ka, waxaana ka qeybgalay Raiisul-wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre, Taliayaasha Ciidamada Soomaalida iyo Suudaan, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, masuuliyiin kale iyo marti sharaf badan oo lagu casuumay Xafladaasi.
Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyey Munaasibadda.

SOMALI NEWS

To Top