WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Maxkamadda Ciidamada oo xukun culus ku riday xubin ka tirsan…

Cabdisamad Ibraahi Cumar  oo magiciisa Afgarashadu yahay Abuu-Cali ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay kamid ahaanshiyaha Daacish oo uu ka tirsanaa ilaa 2016.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka Codsaday in lagu xukumo ciqaab adag maadaama Daacish ay Eedeysanaha u soo wakiilatay Qal-qal gelinta Amniga Muqdisho balse ay Ciidamada Amniga qabteen isaga oo ka soo degayo Garoonka Aadan-Cadde.

Qareenada u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto eedeysanaha Maadaama  uu ahaa Muuqaal Duube kaliya.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu xukumay Cabdisamad Ibraahim Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top