Muqdisho (HM )-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku ridday Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, kuwaasoo lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waxaana lagu kala xukumay 18-sano, 12 sano, 9 sano iyo 3 Sano, waxaana xubnaha la xukumay isugu jireen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Madaxa Xisaabaadka Mashruuca Wacigelinta iyo Mas’uul kale.
1- Agaasimaha Madaxa Maaliyada ayaa lagu Xukumay 18 sano oo xabsi ah
2- Agaasimaha Guud ee Wasaarada ayaa lagu Xukumay 9 sano oo xukun ah.
3- Madaxa Mashruuca Malaariyada ayaa asagana lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.
4- Agaasimaha qeybta Xisaabaadka ayaa asagana lagu xukumay 12 sano.
5- Maxkamadda ayaa sii deysay 5 xubnood kale oo lagu waayay wax dambi ah, dibna loogu celiyay xoriyaddooda.
Horufadhi News

