WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Garoowe Xog ku saabsan Mooshin la sheegay in laga gudbiyey Dhoobodaareed-Video

Garoowe  ( HM )  Wariye Cali Xaraare ayaa Warbixin ku lafa guray Mooshin Xilka qaadis ah oo laga Gudbiyey  Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland,Cabdixakiin Axmed Dhoobodaareed iyo  Sababta ka dambaysa  arintaasi.

HALKAN KA DAAWO

Waxaa Arimaha lagu eedaynayo kamid ah  inuu Xidhiidh la leeyahay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya,    Sidoo kalana aanu ku xidhnayn Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo kamid ah Baarlamaanka ayaa sheegay inay Jiraan Wararka Sheegaya  Mooshinka laga wado Gudoomiyaha Baarlamaanka , Wuxuuna sheegay inay Arintaasi Wadaan Xubno ku dhow madaxwaynaha Puntland Siciid DENI.

“Gudoomiyaha Dambi ma gelin, Dastuur Jebin ma samayn,  Puntland dambi kama gelin,  Balse laguma eedayn karo  Gudoomiyuhu Feker lama aha Xukuumadda gaar ahaan Arinta Federaalka”. Ayuu yidhi Xildhibaan dhoore.

SOMALI NEWS

To Top