WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Masuul ka tirsan Maamulka Trump oo isku casilay Fadeexad xoog leh oo soo wajahday-Video

Madaxii dhanka dhaqaala ururinta u qaabilsanaa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Trump ayaa is casilay ka dib markii ay soo baxeen fadeexado ku saabsan in uu gaystay tacadi dhanka galmada ah.

Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal Jimcihii Steve Wynn oo ah bilyooneer 76 sanno jirka ah ayaa ku xadgudbay mid ka mid ah haween ka shaqeyneyay goobaha lagu daliigo ragga waxaana uu mid kale ku qasbay inuu u galmoodo.

Mr. Wynn ayaa beeniyay eedeymahaasi isagoo ku tilmaamay inay yihiin wax caqliga aanan galeynin.

Madaxa guddiga Qaran ee Jamhuuriga Mrs. Ronna McDaniel ayaa u sheegtay warbaahinta Mareykanka inay ka aqbashay iscasilaaada uu uu soo gudbiyay Mr Wynn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kale, Mr Wynn ayaa ku eedeeyay xaaskiisii dacwada dagaalkooda inay u taallo maxkamadda inay iyadu ka dambeyso dacaayadahan iyo been abuurkan.

“Waxa kiciyay eedeymahan ayaa ah dacwada igala dhaxeyso xaaskeygii hore Elaine Wynn, taasoo haatan aan kula jiro dagaal dhanka garsoorka ah” ayuu ku yiri Steve Wynn bayaan uusoo saaray.

SOMALI NEWS

To Top