WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo ku ku adkeystay in aysan Soomaaliya wax wada hadal ah Kenya kala galeyn kiiska Badda.

Muqdisho (HM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbaddii uu u jeediyey golaha guud ee Qaramada Midoobay caawa oo Khamiis ah waxaa uu qeyb ka mid ah kaga hadlay kiiska Badda  ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay dooneyso in muranka badda ay xalkiisa gaarto Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda Adduunka ee ICJ, oo iminka uu galdacwadeedka labada dal yaalo.

HALKAN KA DAAWO

Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalkan dhaca Bariga Africa in wada-xaajoodyada Kenya ee arrintan ku saabsan ay noqdeen kuwa aan miro dhal ahayn, sidaas darteedna, xalka ugu dambeeya ay tahay inuu nqodo kan Maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in Soomaaliya ay u hoggaansami doonto go’aan kasta oo ay maxkamadda ka gaarto kiiskan, isaga oo sidaas oo kale Kenyana u rajeeyay.

Farmaajo ayaa sheegay in kulankii uu habeen hore la yeeshay Uhuru Kenyatta ay isku raaceen in xidhiidhka labada dal la wanaajiyo islamarkaana arrinta muranka badda loo daayo maxkamadda ICJ.

Hadalka Farmaajo ayaa yimid ayada oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu khudbaddii uu u jeediyey QM ku sheegay in Kenya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii muranka dhinaca xuduudda badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wada hadal.

Dowladda Soomaaliya iyo madaxdeeda ayaa waxaa ay u muuqdaan kuwo jilbaha aastay isla markaana markan noqday kuwo aan gorgortan galineyn biyo Badeedka dalka Saliida iyo Gaaska qaniga ku ah ee ku yaala Bariga Africa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top