WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne Farmaajo oo goordhow u duulay Sucuudiga iyo ujeedka Safarkiisa-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo magaalada barakaysan ee Makkah uga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC).

Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaasoo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, arrinta Yemen iyo Kooxda Xuutiyiinta oo muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaaday danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Wafdiga Madaxweynaha ee u amba-baxay magaalada barakaysan ee Makka waxaa hordhac usii ahaa diblumaasiyiin Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad oo la qaabeeyey ajandeyaasha shirarkan Wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta iyo kuwa Ururka Iskaashiga Islaamka.

SOMALI NEWS

To Top