WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Aabaha dhalay Caasha yar Gabadhii Gaalkacayo lagu dilay-Video

Garoowe ( HM) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo ,  Ehelada Caasha ayaa waxaa Hormuud u ahaa Ilyaas Aadan Qarjab oo ah Caasha Aabaheed.

HALKAN DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn si adag uga falceliyey tacadigii fooshaxumaa ee Caasha loogeystey, waxa uu cadeeyey Madaxweynuhu in sharciga la horgeynaayo dadka falkaasi geystey, wax naxariis ah oo loogeleyaana aanay jiridoonin, isla’markaana kiiskaasina lagu dhammayndoono si deg deg ah.

Dhinaca kale Madxweyne Deni ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan sharaftooda iyo karaamadooda, kana dhiidhiyaan falalka lagula kacayo aruurta yar-yar ee aan mutaysan falalka foosha xun ee ugub ka ku ah dalka, Madaxweyanaha ayaa dhaqanka caasha lagula kacay ku tilmaamay wax xun oo aan abid ka dhicin adduunka.

Ugu dambeyn, Ilyaas Aadam Qarjab oo ah Caasho Aabeheed ayaa sheegey in si wanagsan uu Madaxweynaha Puntland u qaabiley, isla’markaana uu Madaxweynuhu balan ku qaaday in sharciga lamarin doono danbiilayaashii falkaas arxandarada ahaa geystay si ay ugu cibro-qaatan cida danbe ee niyaysata fal nocaas ah.

 

SOMALI NEWS

To Top