WARARKA SOOMAALI

Daawo: Garoowe Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ka hadlay arrimaha Doorashada-Vdeo

Garoowe ( HM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta  Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe , Midowga Africa iyo IGAD, wafdigaasi oo uu hoggaaminayo  Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay wafdigan aragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay.

“Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata.

Dabcan howlo badan baa lasoo qabtay muddadii u danbeysay, heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kuwada galeen, Baarlamaanka labadiisa Aqal ansixiyeen iyo kii u danbeeyay ee ku saabsana habraacyo loogu talagalay in lagu fududeeyo in doorashadaasi ku dhacdo.

Weli waxaa dhiman sidii howshaasi loo maamulihi lahaa oo dhinaca Doorashada iyo guddiyadoodii oo hadda gacanta lagu hayo, waxyaabo badan oo u baahan in la saxona ay ku jiraan, laakiin wadahadalo iyo shaqaa ka socota, waxaan rajeynayaa doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin, wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono, Puntland-na marwalba kaalinta ay ku leedahay dowladd dhiska Soomaaliya ay qaadan doonto, aragtiyaha xalka lagu heli karona waxaan la wadaagnay madaxda maanta nasoo booqatay waxaan rajeynayaa inta dhimana in wakhtigeeda ay munaasabka ku tahay aan ka hadli doono.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Aad baan uga mahadcelinaya in ay wafdigan noo yimaadaan waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaadaan qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana u rajeynaya mushtamaca Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen inay uga ambabixi doonaan marxalad deganaasho iyo nabadgelyo ay ku dheehantahay” Ayuu yidhi Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdigan ayaa ka kooban Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya  Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibraahim.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top