WARARKA SOOMAALI

Daawo- Madaxweynaha Khaatumo lagu soo dhaweeyey dalka Imaaraadka+Sawiro.

Madaxwaynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa soo gaadhay dalka Imaaraadka, Iyadoo Halkaasi kusoo dhoweeyeen Jaaliyadda khaatumo ee dalka Imaaraadka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxwayne Galaydh ayaa dhowaan ka yimid Deegaanadii, Isagoo soo maray dalka Jabuuti oo la Filayo inay ka Furmaan Wadahadalo u dhexeeya khaatumo iyo Somaliland, iyadoona Ergooyinkii Labada dhinac ay Hada Halkaasi ku sugan yihiin.

Dhinaca kale Safarka madaxwayne Galaydh ee Imaaraadka ayaa la sheegay iuu la Xidhiidho Xaalada Abaaraha ka Jira deegaanka iyo Arimo u gaar ah oo Shaqsiyadeed, Waxaana ka Warbixiyey Safarka madaxwaynaha Afhayeenka Jaaliyadda Khaatumo ee Imaaraadka Rashiid Diiriye Faarax.

SOMALI NEWS

To Top