WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxtooyadda Soomaaliya oo lagu soo kordhiyey Qalab casri ah oo Amniga lagu sugo-Video

Muqdisho (Horufadhi News)-Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ah halka looga taliyo dalka ayaa waxaa ka bilowday dayactir kala duwan oo isugu jira mid amni iyo bilicda, si Madaxtooyada ay ula mid noqoto Madaxtooyada caalamka.

Ammaanka Madaxtooyada ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana lagu soo kordhiyay qalab casri oo heerkiisa sareeyo oo loogu tala galay baaritaanada baabuurta, isla markaana lagala socon doono dhowr aaladood oo lagu hubinayo gaadiidka waxa ku xiran hoostiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gawaarida iyo qofka galaya Madaxtooyada ayaa maraya labo baaritaan oo casri ah, sida qofka galaya in baaritaankiisa lagala soconayo Scan uu dhex marayo, sidoo kale darawalka baabuurka wata ayaa si aan dhib laheyn u maraya, isagoo suul saaraya qeyb loogu tala galay in birta dhulka hoose ku jirta ka qaado, bedelkii biraha ay askarta ka qaadi jireen ama koontaroolka.

SOMALI NEWS

To Top