WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Maamulka Jubaland oo shaaca ka qaaday inay soo iibsadeen Diyaarad & Shaqaday qaban doonto.

Muqdisho (HM)-Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay soo iibsadeen Diyaarad nuuca duulimaadyada rayidka ah, taasoo ay u isticmaali doonaan soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ayaa qaar kamid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka u xaqiijiyey in diyaaradan laga soo iibiyay dalka Koofurta Sudan, kuna baxday lacag gaareysa 2 milyan iyo bar dollarka Mareykanka.

HALKAN KA DAAWO

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayay soo dhoweyn loo sameeyay Wafdigii u horeeyay ee maanta gaara Kismaayo ee ka qeyb galaya caleema saarka Axmed Madoobe ayaa caddeeyay in Jubbaland ay yeelatay diyaar gaar ah.

“Ku soo dhawaada magaalada Kismaayo waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, Madaxweyne Farmaajo waxaa ka rajeynayaa inay mudan tahay inuu noogu soo hambalyeeyo diyaaraddan ay leedahay Jubbaland”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Amarkii dhowaan ka soo baxay dowladda Federaalka ee ahaa inay diyaaradaha aada Kismaayo iyo kuwa ka imaanaya inay soo maraan Muqdisho ayaa maanta la jabiyay, kaddib markii diyaarad toos uga timid Nairobi ay ka degtay Garoonka Kismaayo.

Todobaadkii hore dowladda Federaalka ayaa xayiraad saartay diyaaradaha aada Kismaayo, iyadoo ku amartay diyaaradaha inay fasax weydiistaan 24 saac ka hor inta aysan u duulin Kismaayo, sidoo kale waxaa jiray amar hoose oo lagu soo rogay diyaaradaha, kaasoo ah in aysan wax siyaasi ama Mas’uul u qaadi karin Kismaayo.

SOMALI NEWS

To Top