WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Koore oo si jees jeesa uga hadlay shacabka Soomaliland Laascaanood ku laysay iyo Xaalada Caawa-Video+Warbixin

Laascaanood (HM)-Saleebaan Cali Koore oo maamulka Hargeysa ugu magacaaban wasiirka Biyaha in kasto uu u badan yahay Afhayeen u hadla Muuse Biixi ayaa waxaa uu ka hadlay maanta xaaladihii iyo rabshadihii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool taasoo 30kii saacadood ee lasoo dhaafayba xaalkeedu uu ahaa mid cakiran.

Waxase yaab lahayd in uu Saleebaan Cali Koore kaliya ku celceliyey Shacabka Laascaanood in ay yihiin Dad Soomaliland ah mahee uusan ka hadal dhibaatada ay gaysteen Ciidanka maleeshiyaadka Soomaliland kuwaasoo gaystay falal ka baxsan bini aadanimada shacab iyo maato qaarna dilay qaarna xidhay.

HALKAN KA DAAWO KOORE HADALKIISA

Saleebaan Koore oo inta badan lagu yaqaan inuu u nacam leeyo Maamulka Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay in ay gacmo kale shacabka Laascaanood ku dirayaan Soomaliland, kadibna sidaas rabshado ku imaanayaan.

Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa caawa ilaa maanta iska degan walow aan xalaada si gaara loo saadaalin karin markastana ay faraha ka bixi karto oo shacabku ay kacdoonsan yihiin isla markaana aysan maamulka Gobalka ee Soomaliland iyo odayaashii dadka la dilay aysan waxba isla meel dhigin.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top