WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo markii uu kormeeray Xeryaha Ciidamadda Xoogga Dalka iyo talooyinkii muhiimka ahaa-Video

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, waxaana sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada.

“Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan. Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad ka hor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii loo doortay Xilka Madaxweynaha dhowr jeer booqday xeryaha ciidanka, waxaana la sheegaa in Madaxweynuhu uu tiro 10 jeer ku dhow xirtay dareyska milateriga, iyadoo dhowr jeer oo hore uu dagaalo ku baaqay, illaa iyo haddana ay dowladdiisa qaadin wax guluf dagaal, marka loo eego taa bedelkeedna Al-Shabaab ayaa weeraro iyo dagaal ku soo qaada xarumaha ciidanka iyo deegaano sanado ka hore laga xoreeyay oo ay ugu dambeysay degmada Balcad.

 HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top