WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Khayre oo dhagax dhigay Wadada isku xidha Muqdisho iyo Af-gooye-Video

Muqdisho (HM)-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goobjoog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday heshiiskan.

Dowlada Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha wadooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle.

Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay burburka wadada

SOMALI NEWS

To Top