WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Itoobiya oo markii ugu horaysay Ra,iisul Wasaare u doortay Abiy Axmed oo an Nin Muslim ah iyo Falanqeyn ku saabsan-Video

Xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia EPRDF ayaa u doortay guddoomiye Abiy Ahmed oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada, kadib markii uu isc asiley ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas Hailemariam Desalegn.

Abiy Axmed ayaa aabihii uu yahay nin Muslim waana 41 jir siyaasada ku soo jirey muddo toban sano ah, waxaana uu hore u soo noqday wasiir ka tirsan xukuumada Ethiopia.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Abiy Axmed uu noqonayo Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Ethiopia, kaasoo ka soo jeeda qowmiyada ugu badan dalkaas ee Oromada.

15kii February ee sanadkan ayuu Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Ethiopia Hailemariam si kedis ah isaga casilay xilkii Guddoomiyaha xisbiga EPRDF iyo tan Ra’iisal wasaaranimadaba.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Abiy Axmed ayaa si aqlabiyad leh ay ugu doorteen Golaha EPRDF oo ka kooban 108 xubnood, iyadoo dhammaan 108dii xubnood ay doorteen Abiy Axmed.

Xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia EPRDF ayaa ka kooban afar jabhadood oo isu tagtay kuwaasoo kala ah Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF), the Amhara National Democratic Movement (ANDM), the Oromo Peoples’ Democratic Organisation (OPDO) and the Southern Ethiopian People’s Democratic Movement (SEPDM).

SOMALI NEWS

To Top