WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Itoobiya oo dal ahaan u diwaan galisay Maamulka Soomaliland-Video

Laascaanod (HM)-Dawladda Itoobiya ayaa mar kale soo jiitadatay indhaha Soomaalida ka dib markii Somaliland u diiwaan galisay dal ahaan.

Barta rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa dal ahaan u diiwaan galisay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbabbaanida ee Somaliland.

Arrintan ayaa imaanaysa maalmo uun ka dib markii dawladda Itoobiya ay daabacday khariidad muujinaysa iyo Itoobiya iyo Soomaaliya ay hal dal yihiin.

Wasaaradda oo taxaysa dalalka ay xarumaha dublamaasiyadeed ku leedahay ayaa dal ahaan u diiwaan galisay, Somaliland iyo waliba Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya

Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse aqoonsi caalami ah wali ma helin.

Tallaabo lagu aqoonsanayo ayaana muran badan dhalin karta.

Todobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii ay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya raaligalinta ka bixisay khariidadda ay daabacday.

“Run ahaantii waxaan aad uga xunnahay jahwareerka iyo faham la’aanta ka dhashay dhacdadaas” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda.

Khariidaddaas hore ayaa meesha ka saaraysay Soomaaliya, balse waxaa la soo reebay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

SOMALI NEWS

To Top