Buuhoodle ( HM) Isimada dhaqanka Gobolka Cayn oo Howlo shaqo u Jooga magaalada Jigjiga ee Xarunta Deegaanka Soomaalida ayaa Tacsi ka diray Geerida Caaqil Maxamuud Xaaji Ibraahim [Dhuunkaal oo ku Geeriyooday Shil Gaadhi oo ka dhacay magaalada Buhoodle.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Saleebaan Buraalle Aadan, Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Boqor Cabdullaahi Axmed Cali ayaa Tacsi u diray Ehelada Caaqilka, waxayna sheegeen inuu ahaa Nin Wanaagsan oo Shaqo Ballaadhan deegaanka kasoo Qabtay.
Isimada iyo Cuqaasha deegaanka ayaa sidoo kale hadlay Wadashaqayntii kala dhaxaysay Caaqilka iyo Sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa, waxayna Alle uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka Waraabiyo