WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hoggaamiyaha IS Abu Bakr al-Baqdadi oo 5 Sano kadib Muuqaal iska soo duubay-Video

Muqdisho (HM)-Hoggaamiyaha ururka IS Abu Bakr al-Baqdadi ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday muuqaal la soo duubay waxana uu sheegay in ka aargoosan doonaan dhulkii laga saaray.

Muuqaalkan uu soo duubay Al-Baqdadi ayaa waxa uu ku qirey in laga saaray dagaalamayaashiisii magaaladii ugu dambeeysey ee ay gacanta ku hayeen ee Baghuz.

Markii ugu dambeysay ee lagu arko muuqaal Al-Baqdadi ayaa waxa ay ahayd sanadkii 2014kii xilligaas oo uu ku sheegay dhismaha Khaliifada Islaamiga ee Shaam iyo Ciraaq.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Hase yeeshee lama oga xilliga rasmiga ah ee muuqaalkan la soo duubay oo la soo dhigey shabakada warbaahinta ee al-Furqan,hase yeeshee waxaa uu ururka IS ku sheegay xilliga la soo duubay muuqaalkan inuu yahay bishan April.

“Dagaalka Baghuz wuu dhamaaday balse waxaa soo socda dagaalo kale oo badan.”ayuu ku hanjabay hogaamiyaha IS.

Muuqaalan oo soconaya muddo 18 daqiiqo ah ayaa waxa uu ugaga hadlay Baqdadi weerarkii ka dhacay dalka Sirilanka iyo maleeshiyaad sheegtay in ay ku biireen IS kuwaasoo joogaa dalalka Burkino Faso iyo Mali.

Baqdadi oo magaciisa dhabta ah yahay Ibrahim Awwad Ibrahim al-Badri ayaa hore dhowr jeer la sheegay inuu ku dhintey weeraro lagu qaaday IS hase yeeshee waxaa uu soo duubay cajalad maqal ah bishii August ee sanadkii hore.

SOMALI NEWS

To Top