Muqdisho (HM) – Mid kamid ah haweenka Khaadka Iibiya oo ka badbaaday weerar qosheysan oo Al Shabaab ay ku dili rabeen ayaa codsi u dirtay madaxda ugu sareyso dalka.
Haweeneydaan oo saxaafadda la hadashay kadib markii lasoo qabtay dhalinyaradii isku dayay inay dilaan ayaa sheegtay inay Marduuf Khaadka ah ka raadin jirtay masruufka caruurteeda oo 7 gaaraya.
Waxay sheegtay in seygeeda uu yahay ruux kamid ah ciidamada booliska, waxaana ay ka dalbatay madaxda ugu sareyso dalka inay dajiyeen meel amaan ah, maadaama aysan ka fakaneyn Al Shabaab.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhalinyarada lasoo qabtay ayaa bastoolad la kortagay haweeneydaan waxaana u shaqeyn waayay labo bastoolad oo ay wateen, waxaana kadib qabtay ciidamada amaanka oo goobta ka dhawaa.
Seddexda dhalinyarada ah ee lasoo qabtay ayaa sheegay inay qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee degmada Wadajir.