WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hargeysa Xiisad culus oo ka dhex taagan Nin Sheekh ah iyo Garyaqaanka Soomaliland-Video

Hargeisa (HM) Sheikh Lagu magcaabo Cabdiraxmaan Dheere ayaa maalintii Shalay  Masaajid Hargeysa ku yaal Ka jeediyey Hadalo Xiisad Kiciyey, Kuwaasi oo uu kaga hadlay Cadaaladda, Isagoo siwayn u dhaliilay Xubnaha u dooda Xaquuqul Insaanka iyo Dhalinyaro Darbi Jiifa ahayd oo dhowaan lagu xidhay Hargeisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Garyaqaan Guuleed Dafac oo Warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa sheegay in Sheekhu ku  baaqay in la dilo isaga, Wuxuuna Xusay inuu Dacwad u gudbiyey Maxkamadda iyo Wasaarada Diinta iyo Awqaafta.

“ Waxaa maalintii Jimcaha ee shalay ka hadlay Nin sheikh Sheegtay oo uu sameeyay Arin kasoo Horjeeda diinta Islaaamka, Taasi oo Naftayda Halis ku ah, Masaajidkiina kaga hadlay Arin Siyaasadeed, Sheekh maaha ee waa Siyaasi ah oo Qaatay Qandaraaskii Kutubadda, Anigu Dadka dulman ayaan u doodaa, Qofka Dawladda difaacyaa waa Nasiib darro inuu Masaajida kusoo Gabado, Waaan Dardaarmay Wixii isoo gaadha isaga ayaa ka masuul ah, Qoyskaygana waan u sheegay” Ayuu yidhi Guuleed Dafac.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale  Sheekh C.raxmaan Dheere ayaa Dhankiisa ka hadlay Khudbadii uu shalay jeediyey, Xiisada ka dhalatay,  Wuxuuna xusay inaanu si gaar ah u Xusin   Guuleed Dafac Aqoona aanu u lahayn, Wuxuuna sheegay inuu iska difaaci doono Eedaymaha iyo Dacwada laga gudbiyey.

“Khudbadaydu si guud ayaan uga hadlay, Cid gaar ah kumaan Xusin, Isaga ayay u taalaa halka uu ka keenay inaan uga Jeeday, UL Cirka loo tuuray Ninkii isku dhiga isaga ayay u taalaa”. Ayuu yidhi C.raxmaan dheere.

Sheekha oo ay isku Reer yihiin Madaxwaynaha Somaliland ayaa Sheegay inaysan Ceeb ahayn inay isku Qoys noqdaan Biixi, Wuxuuna xusay in Kitaabaddu aysan ahayn Qandaaraas,   ee ay ahaayeen Wax uu Shaqsiyadiisa madaxwaynuhu Sadaqaystay.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa inta badan ka hadla Xaqiiqda, Waxaa oo lagu xasuustaa inuu dhawaan si’adag uga dooday, Arrimaha maamulka khaatumo iyo Ergeda Cali Khaliif ee Hargeysa u tuban in Dastuurka loo furo, Wuxuuna xiligaasi ka digay inaan Somaliland ku dumin, Gacanta Qoys uu ugu yeedhay SNM kuwaasi oo xiligan Somaliland uga dhigan tahay Daas iyo Dukaan Awoow laga dhaxal ah.

SOMALI NEWS

To Top