WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hadalkii imaaraadka ka soo yeedhay oo Maamulka Somaliland ka nixiyey iyo Xildhibaan aan Seexan markuu warkaa maqlay-Video

Xildhibaan Maxamed Yaasiin  ( Dheeg ) oo kamid ah Guurtida Somaliland ayaa ku baaqay Xidhiidka loojaro Imaaraadka Carabta, Wuxuuna sheegay inuusan ka seexan Hadalkii kasoo yeedhay.

Wuxuu sheegay in Imaaraadka Carabtu uu guratay Dhaqaalihii dekedda Berbera, Islamarkaana aysan keenin wax ay leedahay, Wuxuuna is waydiiyey Balanqaadyadii Beenoobay ee Imaaraadka. “Lacagteenii ayuu Gurtaa imaaraadku, Waxaan filayaa lacagta Muqdisho uu geeyay imaaraadku waa Midii uu Berbera ka Aruursaday “.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuse Biixi ayuu ugu baaqay inuu Laalo guud ahaan Heshiishyadii ay la galeen Imaaraadka Carabta. “Waanu ku Khasaarnay Imaaraadka, Muuse Biixi arintaa dib ha uga Noqdo, Xamar Wuu ka farxiyey, oo Anaga ayuu Naga Nixiyey “ Ayuu yidhi Dheeg.

SOMALI NEWS

To Top