WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Muudey oo amaro culus dul dhigay Xildhibaanada Dalka ka maqan-Video

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku amaray Xildhibaanada Dibadda ku maqan in si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho.

Waxa uu sheegay Xildhibaanada Fasaxa ku maqan uu ka qaaday fasaxii horey u heesteen waxa uuna ugu baaqay Xildhibaamadaasi iyo kuwa kale ee fasax la’aanta ku maqan in a si deg deg ah usoo laabaan.

“Waxaan u yeerayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee maqan, meel fog iyo meel soke kuwa joogaba si ay u gutaan waajibaadka Dastuuriga ah, qof kasta oo fasax lahaa waxaan ka qaaday fasixii uu lahaa aniga oo ah Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye ku xigeenka.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Magaalada Muqdisho waxaa hada ku sugan inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo hada labo garab u kala jabsan, waxa ayna Xildhibaanada noqdeen kuwa mooshin ka keenay Gudoomiye Jawaari iyo kuwa taageersan Gudoomiyaha.

Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in Baarlamaanka la horgeeyo mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baralamaanka, waxaana la filayaa in mooshinka uu meel u dhaco in Kalsoonida lagala noqdo Jawaari iyo in uu sii ahaado Gudoomiyaha Baarlamaanka.

SOMALI NEWS

To Top