WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Qarax ka badbaaday-Video

Muqdisho (HM) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,  Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa shaaca ka qaaday in Isaga, guddoomiyaha gobalka Banaadir, iyo taliyayaasha booliiska iyo asluubta ay ka badbaadayn qarax bilo ka hor ka dhacay agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in afartooda oo hal gaari saaran, markii ay waxyar dhaafayn KM4 ee magaalada Muqdisho halkaasi uu ka dhacay qarax wayn oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

“Hadda ka hor qalad wayn ayaa samaynay, duqa gobalka ayaa isoo wacay, Xaflad aad u qurux badan ayuu Ciidamada ugu sameeyay meel u dhaw dhanaane, markii aan ka soo laabanay hal gaari ayaa afartayna isla raacnay, 2 daqiiqo markii aan ka gudubnay KM4 qarax xoog leh ayaa dhacay”, ayuu yiri taliyaha Difaaca Soomaaliya.

“Maalintaas Qaranka waxa uu gali lahaa khasaare, Al-Shabaab-ne waxay u ahaan lahayd guul, marka waa inaa yeelanaa dhiiranaan amni”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyaha Ciidamada Difaaca Soomaaliya General Indha-Qarshe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Indha qarshe ma sheegin taariikhada ama maalinta uu falkaan dhacay. Sidoo kale ma sheegin qaraxaasi ka dhacay Number afar halka sida tooska ah loogu weeraray hadii ay ayagu ka badbaadayn.

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Xaflad xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho islamarkaana looga hadlay isdhaxgalka Ciidamada iyo Shacabka Gobalka Banaadir. Xafladda ayaa sidoo kale waxaa goob joog ahaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

SOMALI NEWS

To Top