WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddiga baarista kiiska Ikraan Tahliil oo Caawa shaaciyay Natiijo hordhac ah

Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahu Buule Kameey ayaa waxaa uu Caawa ka hadlay Natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday kiiska Ikraan Tahliil.

Jeneraal Buule kameey ayaa shegay in baaris lagu sameeyey Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Ku simaha Taliyaha Nisa Gaanshale Sare Yaasiin Cabdilaahi Fareey iyo Cabdullaahi Kulane.

Kameey ayaa waxaa u cadeeye in Hay’adda NISA ay la shaqeysay guddiga iyaddo  ka caawisay dhinac kastaa oo barista ah.
Sidoo kalenna xubnaha la baaray waxaa kamid ah Wadna Qabad iyo Sarkaal asma magaceeda lagu sheegay.

Cabdullaahi Kameey ayaa sheegay iney soo cadaatayn NISA si hufan ula shaqeysay guddiga baaraye, isla markaana Guddiga aan u soo bixin caddeyn muujineysa in NISA ku lug leedahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Guddiga baarista kiiska Ikraan Tahliil oo Caawa shaaciyay Natiijo hordhac ah
To Top