featured2

Booliska Kenya ayaa billaabay baaritaan ku aadan dhacdada weriye ka tirsaneyd BBC-da oo ku geeriyootay magaalada Nairobi

Kate Mitchell, oo u dhalatay Ingiriiska lana shaqeyneysay BBC Media Action isla markaana ka howlgaleysay dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa geeriyootay Jimcihii xilli ay ku sugneyd huteelkii ay ka dagganeyd magaaladaas.

BBC Media Action waa hay’ad caalami ah oo qaabilsan baarnaamijyada samafalka iyadoo mashaariicdeeda ay diiradda ku saarto si warbaahinta iyo isgaarsiinta loogu adeegsado waxkaqabashada sinaan la’aanta ka jirta adduunka.

Iyadoo aanan la ogeyn sababta ka dambeysay dhimashada gabadhan, booliska Kenya waxay warbaahinta gudaha u sheegeen inay baarayaan dhimashada iyo sababaha la is dhihi karo wey ka dambeeyeen.

Booliska Kenya ayaa billaabay baaritaan ku aadan dhacdada weriye ka tirsaneyd BBC-da oo ku geeriyootay magaalada Nairobi
To Top