WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Galmudug iyo Puntland oo hal arrin ku heshiiyey-Video

Gaalkacayo (HM)-Dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Galmudug oo kulan labo geesood ah shalay ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa ku heshiiyay dhismaha guddi farsamo oo ay xubno ka noqon doonaan golaha wasiirrada ee labada dowlad-gobolleed.

Guddiga waxay shaqadiisa noqonaysa sidii ay joogto isaga warheyn lahaayeen labada dowlad-gobolleed,waxaa intaa dheer guddiga farsamo ee heer wasiir inay diirrada saarayaan wada-shaqeynta iskaashiga arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Maamullada ayaa sidoo kale isku afgartay inay mowqif mideysan ka yeeshaan dhinacyada amniga, nabadda iyo dhismaha dowladnimada federaalka ah ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Kulanka hoggaamiyeyaasha labada dhinac ayaa noqonaya midkii ugu horreyay tan iyo doorashadii madaxweynaha Puntland ee Siciid Deni, balse labada dhinac waxaa ay kulanka ku muujiyeen isku soo dhawansho iyaga oo marka si wadajir ah u sheegay inay uga shaqeyn doonaan nabadgalyada iyo horumarka gobolka Mudug oo ay ka wada-taliyaan.

SOMALI NEWS

To Top