WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Faysal Cali Waraabe oo weerar ku qaaday Madaxweyne Farmaajo iyo Yuusuf Garaad-Video

Hargeisa ( HM) Guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa ka hadlay Xildhibaanada DF Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee lagu soo Xulayo magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Faysal ayaa sheegay in Xildhibanaadaas aysan ku jirin Xildhibaanada Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, Wuxuu sidoo kale xusay in Xildhibaanada Beesha Ciisaha uu soo magacaabo  Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Halka  Xildhibaanada Isaaq iyo Gadabuursi ay yihiin kuwa dantooda u taga Muqdisho. Sida uu hadalka u dhigay.

“Hadii aan madaxwayne noqo lahaa (Xildhibaanada) iyaga  oo maqan ayaan Xukumi lahaa, inay Khaaimiin yihiin.” Ayuu yidhi Faysal Waraabe.

Dhinaca kale wuxuu kahadlay Khilaafka ka dhexeeya  Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar),  Wuxuuna  Garabka Mahdi ku eedeeyay inuu  Codka siinayaan Madaxwyane Farmaajo , Halka Cabdi Xaashi uu sheegay inuu doonayo in Madaxwayne Farmaajo meesha laga saaro oo la rido.

“Farmaajo Waa ninkii ay ka suurto gashay in Eleteriya oo dhul jabuuti ka haysata uu Cunaqabatayntii ka qaado, Waa ninkii Itoobiya siiyey Dekeddo Soomaaliyeed”. Ayuu yidhi Faysal.

Faysal Cali Waraabe wuuxu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inaysan Arintan ka aamusin, ee ay Bayaan kasoo saarto, oo Caalamka kala hadasho.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Faysal Cali Waraabe Xilka loo magacaabay Yuusuf Garaad Cumar, Horta dhulkan la sheeganayo (Badda Cas) waa Dhulkeena, waa in laga hadlo inaysan jirin Gobolada Waqooyi, waa in laga hadlo in Badda Cas inaynu inagu leenahay,  iyo inaan loo samayn karayn wakiil.”.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top