WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Faysal Cali Waraabe oo markii Hargeysa lagu soo dhaweeyay si qaawan u weeraray Muuse Biixi-Video

Hargeisa ( HM) Waxaa maanta magaalada Hargeisa si Balaadhan loogu soo dhoweeyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo dhowaan magaalada Hargeisa ay ka jirtay Dacwad ay kusoo Oogeen Qoyska Madaxwayne Muuse Biixi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Ninka Qaawan waxaan leeyahay dhar xidho, Hanjabaad iyo Xadhig uma Baahna Somaliland, Waxaynu u baahanahay Madax dulqaad leh”. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe ayaa u mahad celiyey Dadkii soo dhoweeyay, Wuxuuna sheegay inay dad gaar ah isku koobeen Maamulkii, Wuxuuna xusay in 2-sanno oo hada uu Xilka hayo Biixi ay Somaliland dib u socoto, Sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka Somaliland ayuu ku sheegay mid Sharci darro ah, Wuxuuna sidoo kale sheegay inay Somalilnd isku koobtay beesha dhexe [Isaaq], Wuxuuna sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanku Baashe uu ku yimid Is-xambaar dan la mooday, Balse aanu cid matalin.

SOMALI NEWS

To Top