WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qaabka loo aasayo dadka u dhinta cudurka Coronavirus-Video

Muqdisho (HM)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa sheegay caawa in isbedel lagu sameeyay qaabka loo aaso dadka u geeriyooda cudurka Coronavirus.

Shir jaraa’id oo ka dhacay xafiiska R’iisal wasaaraha ayuu ku sheegay Cumar Filish in isbedel lagu sameeyay qaabka loo aasayo dadka u dhinta cudurka Covid-19, wuxuuna sheegay in loo diyaariyay koox gaar ah oo loo tababaraay, si gaar ahna uga shaqeyn doonta aasidda meydadka dadka uu salfaday cudurkan

Cumar Filish ayaa dadka ku wargeliyey inaan la booqan karin dadka uu soo rito cudurka Covid-19, isla markaana dad fara badanna aysan raaci karin meydadka, balse ay ku tukan karaan salaad janaaso qof maqan.

Wuxuu digniin ku bixiyey inaan lagu soo xoomin dadka cudurka u dhinta, janaasadiisana aan lasoo buuxin, dadkuna ay qaataan tallooyinka ay bixinayaan dhaqaatiirta, kana fogaadaan meelaha dadka badan isugu yimaadaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top