WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay Dagaalka ka socda Xeraale-Video

Muqdisho (HM)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka dowladda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in kaalin weyn ay ka qaadaneyso dib u heshiisiinta oo ka mid ah howlaha ay wasaaraddu u xil saaran tahay.

HALKAN KA DAAWO MAAMULKA HIRSHABEELE

Mas’uuliyiinta Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa loogu baaqay inay u istaagaan sidii loo damin lahaa colaaddaas, loona xalin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dagaalo ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

SOMALI NEWS

To Top