WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo digniin kasoo saartay duufaan kusoo wajahan Puntland & Soomaliland.

Muqdisho ( HM) Raysal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah  leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.

Sidoo kale kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo Diyaaradood oo gargaar ah maanta u dirtay Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo, Kuwaasi oo sida  Gargaarka loogu talo galay in dadka dhibaateysan si dhaqsi ah loo gaarsiiyo maadaama dadka xaaladooda aad u liidato.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u mahad celiyey Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagay dadka dhibku soo gaadhay, Wuxuuna sheegay inay Jiraan dalal kamid ah Saaxiibada Soomaaliya oo Kasoo Jawaabay Codsigii Dawladda.

Dhinaca kale Maareeye ayaa Digniin Wuxuu kasoo saaray Duufaan la sheegay inay kusoo Wajahantahay Xeebaha Puntland iyo Somaliland

SOMALI NEWS

To Top