suugaan

DAAWO:-Dowladda Somalia oo arrin ka shaacisay mowqifkii ay ka qaataya Qatar iyo Sacuudiga

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Aadan Dubbe ayaa sheegay in dowladda Federaalka aad uga fiirsatay mowqifkii ay ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex-galay Sacuudiga iyo Qatar sanadkii 2017.

Wasiir Dubbe oo ka hadlaayay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa uu sheegay in mowqifkaas uu ahaa mid dhex-dhexaadnimo oo u adkeystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana go’aankaas uu ku tilmaamay mid cadaalad ah.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiir Dubbe.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in qalada ay tahay in la kala raaco dowladdo deris ah oo khilaaf soo kala dhex-galay, wuxuuna caddeeyay in go’aankii Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar uu ahaa dhex-dhexaadnimo ah.

SOMALI NEWS

To Top