WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Qadar oo Soomaaliya ku wareejisay ilaa 30 Gaadhi oo Booliska loogu tala galay-Video

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka guddoontay Qatar illaa 30 gaadiid nooca loo yaqaano Landcruiser, kuwaasoo loogu tala galay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekeda Muqdisho ayaa Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) waxaa uu ku guddoomay gaadiidkan oo uu kala wareegay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Eng. Xasan Bin Xamza.

Wasiir Islow Ducaale ayaa dowladda Qadar uga mahadceliyay gaadiidkan ay ugu deeqday iyo doorkeeda ku aadan taageerida dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

“Waxaa mahad iska leh Alle Subxaanahu watacaalaa,intaasi kadib waxaan rabaa in hortiina aan uga mahadceliyo Dowladda Qadar,safar aan dhawaan ku tagay Dalkaasi Qadar waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Qadar ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh  Cabdalla C/naasir Bin,wuxuu balanqadaay in uu taageero Dowladda Soomaaliya,taageeradaasi ayaa bilaabatay,waxaana maanta aan ka guddoonay 30 baabuur nuuca Landcroser ah,kuwaasi oo loogu talaglay Ciidanka Booliska”.Ayuu yiri Wasiir Islow.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dowladda Qadar ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya,sida fulinta mashaariic horumarineed iyo kuwo gar-gaarka bani’aadanimada la xiriira.

SOMALI NEWS

To Top