WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda deegaanka Soomaalida oo sheegtay in ay qabatay Hub iyo Rasaas ka timid Soomaliland-Video

Jigjiga ( HM ) Ciidamada Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa Qabtay HUB  lasoo galinayay deegaanka Soomaalida, Kaasi oo kasoo gudbay dhinaca Somaliland,    Waxayna ciidanku sheegeen inay gacanta ku dhigeen  rasaas dhan 3000 iyo dadkii watay oo kasoo galay Xuduudka wajaale.

Abaanduule kuxigeenka ciidan booliska gaarka ah ee dowlada deegaanka soomalida Gaashaanle dhexe Xasan c.gudaal ayaa sheegay Rasaastan si sharcidaro ah loo soo galinayay degaanka wajaale, lagu qabtay wajaale daanta degaanka soomaalida, rasaastan iyo nimankii watayba.

Wuxuuna sheegay in wada shaqaynta booliska maamulka magalada wajale iyo shacabka deegaanka ay ku suurowday in laqabto hubkan sharcidarada ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gaashaanlaha oo bulshada deegaanka soomalida kula dardaarmay inay ilaashadaan nabadgalyada islamarkaana la shaqeeyaan ciidamada booliska deegaanka soomaalida ayaa bogaadiyay sidii wanaagsanayd ee ciidanka booliska iyo shacabka magalada wajale uuga wada shaqeeyeen in lagu guulaysto lana qabto xabadahan sharcidarada ahaa.

Rasaastan ciidamada deegaanku gacanta ku dhigeen ayaa lasheegay in laga ganacsanayay balse wali ay baadhidii kusocoto sidii loo oganlaha goobta sida rasmiga ah loogu waday.

SOMALI NEWS

To Top