WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Baarlamaanka Soomaliland oo diiday xaaladii deg dega ahayd ee Muuse Biixi soo rogay iyo Xiisad ka taagan Hargeysa-Video

Hargeisa ( HM ) Xildhibaanada  Golaha guurtida iyo wakiilada ee Somaliland ayaa  Saaka isugu yimid  Fadhi Cod loogu Qaadayey Xaalada degdeg aha ee Gobolka Sanaag uu Madaxwayne Muuse Biixi kusoo Rogay,  waxaa ka soo xaadiray 107 xildhibaan .

Markii codeynta la bilaabay waxaa ogolaaday xaalada deg dega ah 40 xildhibaan , Taasi oo ka dhigan in Xildhibaanadu siwayn uga soo horjeesteen Arintaasi.

Hadaba waxaa dhacdo la yaab leh golaha ay ka dhacday  Markii la rabay in gacanta loo taago inta diidan, ayaa gudoomiyaha Golaha wakiiladu fadhiga deg deg u xidhay iyada oo ay codeyntii socoto

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Intaa ka dib buuq iyo sawaxan ayaa goobta hadheeyay, Waxaana    Gudoonka Filan waa ku noqotay Go’aanka Xildhibaanaddu ay Qaateen.

SIDEE LOOGA FALCIYEY  FILANWAAGA KA DHACAY BAARLAMAANKA  ?

Garyaqaan Guuleed Dafac oo ka hadlayey Sida wax u dhaceen ayaa sheegay inaanu ka Filayn Baarlamaanka Somaliland inay  Wuxuuna yidhi  “ State of Emergency- gii  ( Xaaladii degdeg ahayd )  sidaasuu ku jabay hadaan la is jiidhsiinayn. Waan u hanbalyaynayaa Baarlamaanka oo aanan sidan ka filayn. Waan ka xumahay hab dhaqanka gudoomiye Baashe. “

SOMALI NEWS

To Top