WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Donald Trump oo qorsheynaya inuu u aqoonsado magaalada Qudus caasimada Israel iyo Xiisad ka dhalatay-Video

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay hogaamiyaasha Carbeed in uu qorsheynayo in safaarada Maraykanka ee Israel inuu u soo wareejinayo magaalada Qudus taasoo ah mid aysan madaxdii hore ee Maraykanka ay hore u diideen.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Maraykanka ayaa laga soo xigtey in maalinta Arbacada lixda bisha December in uu ku dhowaaqi doono madaxweyne Trump in aqoonsiga caasimada magaalada Qudus ee Israel, balse uu dib u dhigayo muddo lix bilood ah u soo wareejinta safaarada Maraykanka ee magaaladaas.

Arrintan ayaa ka dhalin karta qalqal siyaasadeed Bariga Dhexe waxayna dowladaha carabta ka digeen in Madaxweyne Trump uu ku dhaqaaqo  qorshahaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Soo dhoweynta Maraykanka ee ah sheegashada Israel in Qudus ay tahay caasimadeeda ayaa  waxa ay ka horimaanaysaa siyaasadi Maraykanka ee ahayd in xalka u dambeeya ee magaalada Qudus ay gaaraan Falastiin iyo Israel, maadaama mid walba uu sheeganayo inay tahay caasimadiisa.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, Boqorka Jordan Boqor Abdullah iyo Madaxweynaha  Masar Abdel Fattah al-Sisi oo taleefanka kula hadlay Trump ayaa u sheegay inay ka soo horjeedaan talaabada uu qaadayo waxayna ka digeen in cawaaqib xun uu ka dhasho aqoonsiga caasimada ee Israel.

Trump oo ballanqaaday ololihiisa doorashada sanadkii 2016 in uu u soo rarayo safaarada Maraykanka magaalada Qudus ayaa lagu wadaa in Arbacada qudbad uu jeedin doono inuu doonayo inuu ku qanciyo taageerayaasha Israel ee garabka Midig kuwaasoo taageero weyn siiyay sidii uu ugu guuleysan lahaa  doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka.

Dowlada Turkiga ayaa  ku hanjabtay inay u goynayso xiriirka diblamaasi dowlada Israel haddii uu Trump u aqoonsado Qudus caasimada Israel.

 

SOMALI NEWS

To Top