WARARKA SOOMAALI

Deniga Puntland oo sheegay in Puntland hoggaamineyso kacdoonka Dowladnimadda Soomaaliya-Video

Garoowe (HM)-Siciid Deni oo sheegay in Puntland hogaamineyso kacdoonka dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa tababar ugu soo xidhayey  cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland kuwaas oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta ee 54-aad ee duleedka Magaalada Garoowe.

Siciid Deni oo ugu horeyn salaan sharaf ka qaatey CiidankaWuxuu sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdiisu sanadka dhammaaday ee 2019.

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xidho. Tani waxay qayb ka tahay dib-u-habeynta ay dowladda ku waddo hay’addaha ammaanka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha oo caddeeyay in ay ka go’an tahay tayadda askarta ayaa kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

“Waxa ballan nagu ah in aan dalka madax-furasho dambe loo haysan doonin, mid meel istaaga, mid is-madoobeeya, iyo mid reer soo kaxaystaba, cidna kama aqbali doono,” ayuu raaciyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay in Puntland hormuud u noqoto kacdoon dowladnimo oo ka bilowda guud ahaan Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed nasiib darada iyo hogaan xumada ku dhacdey waxaad moodaa in wixii yaraa ee la amaamudey mudadii yaraa ee dadku dowlad ahaa in la rabo in la burburiyo,” ayuu xusay.

Wuxuu tibaaxay: “Waxaan rajeynayaa dowladda Puntland siday marar badan hormuud ugu ahaan-jirtay dalka Soomaaliya in ay mar labaad ay hormuud ugu noqoto kacdoon dowladnimo oo ku saleysan ammaan sugan, nidaam maaliyadeed oo sugan, adeeg bulsho oo dhinacyadeeda kala duwan iyo kala dambeyn midnimo lagu tiigsanayo”.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Deni ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumadiisa ay xoojin doonto tiirarka Puntland lagu aas-aasey oo ah adkeynta federaalka iyo midnimadda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top