WARARKA SOOMAALI

Deni oo markale Muqdisho loogu qabtay xaflad caleema saar ah.

Muqdisho ( HM) Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa Khudbad ka jeediyey Munaasibad markale lagum caleema saaray oo lagu qabtay Muqdisho ayaa yidhi:

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xamar Markii aanu  Joognay maalintii dhagax baa la isku tuuri jiray, Habaynkiina waa la wada Cawayn Jiray, Waxaan rajaynayaa inaad Ansixisaan Heshiiska la gaadhay, Waanu is Cafinay Saaxiibada, waxaan rajaynayaa inaad dhagax tuurka iska daysaan” Ayuu yidhi deni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxwaynaha Maamulka Puntland wuxuu sidoo kale ka hadlay Xaalada Amniga  ee magaalada Muqdisho iyo Muhiimada ay leedahay.

“Muqdisho Quruxda ay lahayd waxay ahay Nabad, Balse Daaruhu Qurux ma sameeyaan,  Hada dhibka ugu wayni waa Arinta Amniga,  Alle ayaanu baryaynaa, Dawlad iyo dadkana waxaa laga rabaa in Xooga la saaro, Insha allahu Muqdisho Guul iyo Horumar ayaan u rajaynayaa”. Ayuu raaciyey hadalkiisa.

Farxada aan idinla qaatay aad ayaan ugu Faraxsanahay, Waxaa Caawa la iga Rogay Laba Sanno oo madax Xanuun ah.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top