WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Deni oo ku adkeystay inuu ka qayb gali doono Caleema saarka Axmed Madoobe-Video

Garoowe (HM)-Madaxweyne Deniga u arrimiya maamulka Puntland ayaa ku dkeysanaya in uu ka qeybgeli doono caleema saarka Axmed Madoobe “rajeynaya in uu caqliga u talin doono cidda xayiraada saartay Kismaayo”. ayuu yidhi Deni oo waraysi idaacadda VOA ku siinayey Magaalada xarunta ganacsiga u ah Punland ee Boosaaso.

Dowladda Federaalka ah ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya caasimadda ku meel gaarka Jubbaland in ay isa soo diiwaan-geliyaan 24-saac kahor inta aysan u duulin magaaladdaas uruaka AlShabaab laga saarey 2011-kii.

Talaabadaas ayaa lagu sifeeyay isku day ay xukuumadda ku carqaladeyneyso munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay taasoo lagu wadday in ay qabsoonto 26-ka September balse baaqatay.

HALKAN KA DAAWO

Illaa iyo haatan ma jiro waqti kale oo loo muddeeyay in ay dhaceyso xafladda marka laga reebo “in muddo kooban dib loogu dhigay talaabada sharci daradda ah ee lagu hor-istaagay wafuudii kasoo muuqan lahayd”.

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed iyo wafdi ka tirsan xisbigiisa Himilo Qaran oo ka qeybgeli lahaa munaasabadaas ayaa loo diidey in diyaaradii u qaadi lahayd Kismaayo ay ka duusho Aadan Cadde.

Dowladda Puntland, qaar kamid ah xisbiyadda dalka iyo siyaasiyiin oo aad u cambaareeyay falkaas ayaa waxay ku sifeeyeen go’aanada xukuumadda “mid aan dastuuri ahayn”.

“Martida lagu casuumay ayaan kamid ah, waana ka qeybgalayaa,” ayuu Deni u sheegay VOA Soomaali. “Dadka arrintaa ka shaqeeyay [xayiraada] waxaan rajeynayaa in uu caqliga u talin doono,” ku daray hadalkiisa.

Dhinacyadda ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in maamulka hawadda dalka ay u adeegsaneyso “hub-siyaasadeed iyo dano gaar ah”.

“Hawada Soomaaliya ma ahan tukaan qof leeyahay; waa hawo sharci ku dhisan, sharci lagu maro; qawaaniin caalami ah iyo kuwa Soomaaliyaba u xilsaaran,” ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweynaha.

Sidda laga soo xigtay hay’addo, go’doominta hawada ee xarunta gobolka Jubadda Hoose waxay saameyn daran ku yeelatay nolosha dadka iyo xaaladaha bini’aadanimo ee halkaas ka jira.

Mar la waydiiyey maadaama nooca gaadiid oo uu isticmaali doono ayuu ku jawaabay: “Puntland diyaarado malahan; laakiin waxaan rajeynayaa in dadka arrintaan ka shaqeeyay uu caqliga u talin doono”.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top