WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dalka iiraan Diyaarad waday in ka badan 66 Qof oo goordhow ku burburtay iyo Khasaare Ba,an-Video

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta dalka Iiran Diyaarad sidday rakaab gaaraya 60 qof ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla bartamaha dalka Iiraan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Iiraan ayaa sheegaysa in diyaaraddu ay ku soo dhacday magaalada Semirom ee gobolka Isfahan.

Diyaaradda ayaa isaga kala goosheysay magaalooyinka Tehraan iyo Yausj, waxaana sida la sheegay saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo lix qof oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ilaa haatan lama si rasmi ah looma oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay burburka diyaaraddaasi oo ay la hayd shirkadda diyaaradaha ee Aseman ee dalkaasi Iiraan.

SOMALI NEWS

To Top