WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dagaal Khadhaadh oo aan waxba la isku reebin oo ilaa hadda ka socda Gobalka iyo Guryo badan oo Dab la qabadsiiiyey-Video

Dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe illaa xalay ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Marka iyo deegaanka Nambar 50.

Dagaaladan ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerartay saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Nambar 50.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka, waxaana Al-Shabaab lagu eedeeyay inay gubeen deegaano guryo.

Guddoomiyaha deegaanka nambar 50 C/llaahi Waafow ayaa sheegay in dagaalka ay uga dileen alshabaab tiro dagaalyahano ah, ayna gacanta ku hayaan meydadka labo dagaalyahan.

Waxaa uu ku eedeeyay Al-Shabaab inay gubeen deegaano markii hore laga barakacay, sidoo kalena ay laayeen xoolo dad rayid lahaayeen.

Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa saaka ah mid degan, waxaana Al-Shabaab la sheegay inay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka soo duulaan tageen.

SOMALI NEWS

To Top