WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dagaal Beeleed maanta ka dhacay deegaanka iyo wararkii ugu dambeeyay xaalada-Video

Muqdisho (HM)-Waxaa ka soo baxaya faahfaahino dheeraad dagaal beeleed ka dhex qarxay labo beel oo walaalo ah oo ku nool deegaan hoos taga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalkan oo salka ku haya lahaanshaha dhul ayaa saaka waaberigii ka bilowday deegaanka Burdheere waxaana dagaalka uu sababay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad kabadan toban oo labada dhinac ay dhinteen halka labaatameeyo kalana ay ku dhaawacmeen iskahorimaadkan oo ahaa kii ugu xooganaa oo abid ka dhaca deegaankaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Boqolaal qoys ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda iyadoo weliba lagu jiro xilli jiilaal ah oo qorrax aad u kulul ay jirto.

Ciidamo hore loo kala dhex dhigay labada maleeshiyo beeleed ayaa ku guuleysan waayay inay kala joojiyaan labada maleeshiyo beeleed kadib markii wadahadalo lagu heshiinayay uu burburay.

Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle ayaan weli ka hadlin dagaalkan iyadoo aysan muuqan dadaalo ay wadaan maamulka.

SOMALI NEWS

To Top