Maamulka Isbitaalka Magaalada Burbo ee Gobolka Togdheer ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dadka laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba kacleeyay Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee Isbitaalka Burbo Cabdi Suudi Ibraahim oo la hadlay warbaahinta 686 qof laga baaray Cudurka COVID-19, isla markaana laga helay Cudurka 224 qof, kuwaasi oo baaritano kaal duwan lagu sameeyay.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa shaaciyay dad badan oo u dhintay Cudurka oo uu horey ugu dhacay, waxaana sidoo kale DR. Cabdi Suudi Ibraahim uu shacabka Magaalada Burbo ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.
Cudurka COVID-19 ayaa siweyn ugu faafaya deegaanada Somaliland, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Cudurka la helay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.
Halkaan riix si aad u daawato Muuqaalka.
