Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutubyo ka tirsan Ururka 7-Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo Tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ka hadlaayay soo dhaweynta Ciidanka yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay dadaal ku bixisay dhismaha Ciidanka Xoogga dalka.
Jeneraal Biixi ayaa tallaabada dhismaha Ciidamada uga mahadceliyay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta, wuxuuna sheegay inay dowladda ka go’an tahay horumarinta Ciidanka.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen ayaa tilmaamay in Hanaanka qoridda kumaandooska Gorgor la qorsheeyay, isla markaana xusay in Ciidamada lagu sameeyay dib u dhis ballaaran, isagoona u mahadceliyay Turkiga.