WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif Galaydh oo Hargaysa ka yidhi“Kuwa leh Dastuurka lama furayo,ma Sumadii Geelooda ku taala,,-Video

Hargeisa  (HM )  Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa Xalay ka Qayb galay  Dood ku saabsan Dastuurka Somaliland oo ka Qabsoontay magaalada Hargeisa, Wuxuuna ka hadlay Arimo kala duwan.

“Dadka doonaya inay badalaan Dastuurka Somaliland waa anaga,  Waxaanu doonayno maaha Sad-bursiino Nala Siiyo,   iyo Wixii hore ayaa la Duminayaa, Lama socon in doodahan oo kalaba ay Hargeisa ka furan yihiin waa Alle mahadiis”.

Wuxuu si gaar ah uga hadlay dooda ka taagan Fulinta Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, Iyadoo dhowaan masuuliyiin ka tirsan Somaliland ay shegeeen inaan la furaynin Dastuurka S.land.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Cida leh dastuurka lama Furayo ma Summadii Geelooda ayaa ku taalla, Waxaan rabnaa oo iga daacad ah  inuu Noqdo Dastuur Jira oo Nool,  Xoogaa Sumcad ah ayaa Somaliland Debedda u martay, waana intaas oo lagala sii dhowaado.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

Xukuumadda Muuse Biixi ayaan Weli u dhaqaanin Fulinta Heshiiskii ay Gaadheen Maamulka Khaatumo iyo Maamulkii Siilaanyo Hogaaminayey.

SOMALI NEWS

To Top