WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cali Khaliif Galaydh oo maanta gaadhay Degmadda Kalabeydh markii ugu horaysay iyo ujeedka Socdaalkiisa-Video

Cali Khaliif Galaydh oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland kadib markii isaga iyo xubno kale oo kamid ah maamulka Khaatumo ay heshiis la gaadheen xubno ka mid ah maamulka Somaliland kulamo meela kala duwan ka dhacay ugu danbeyna lagu saxiixay Hargeysa iyo Caynaba sanadkii hore.

Cali Khaliif ayaa 12 bishan kasoo baxay Hargeysa isaga oo aan shaacin ujeedkiisa waxaana uu soo gaadhay Degmada widhwidh ee Gobalka Cayn kadibna wuxuu usii gudbay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka cayn oo saldhig u ahayd mudo badan isaga oo ka gaabsaday in uu la hadlo warbaahinta.

Intaas kadib Cali Khaliif Galaydh ayaa habeenkii xalay ahaa kasoo baxay isla Buuhoodle waxaana uu saaka gaadhay markii ugu horaysay tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Degmadda Kalabeydh ee Gobalka sool halkaas oo shacabka degmadaas kusoo dhaweyeen,hadal koobana uu uga jeediyey.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Inkasta oo uusan Mr Galaydh shaacin ujeedka socdaalkiisa rasmiga ah ee wakhti xaadirkan ku marayo deegaanada Maamulka Khaatumo sidoo kale muu sheegin wuxuu kala soo kulmay ama uga soo hagaagay joogitaankiisii Hargeysa ee wakhtiga dheer qaatay marka laga yimaado Heshiis yada aan dhaqan galin ee Maamulkii hore ee siilaanyo ay wada gaadheen.

Cali Khaliif ayaa marar badan Hargeysa shirar iyo Xafladdo uu kaga qayb galay waxaa uu cod dheer Muuse Biixi iyo maamulka Hadda jooga ka codsaday in la dhaqan galiyo Heshiiskii Caynaba iyo Hargeysa isaga oo waliba Maamulka Hargeysa u sheegay haddii ay heshiiyadaas dhaqan galiyaan in ay heli doonaan wixii ay 27 sano raadinayeen oo uu uga jeeday Citiraafka.

Lama oga halka uu uga sii gudbi doono Cali Khaliif Degmadda Kalabeydh oo u hadda ku sugan yahay iyo waliba wakhtiga uu shaacin doono ujeedka socdaalkiisa ee deegaanadan uu hada ku marayo iyo waxa ay Maamulka Somaliland isla meel dhigeen.

SOMALI NEWS

To Top