WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiweli Gaas Muxuu ka yidhi Safar uu Itoobiya ku tagay iyo Wuxuu la kulmay-Video

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ka warbixiyey safarkiisa Itoobiya ayaa sheegay in safarkii uu ku tagey wadankaasi uu ku saabsanaa iskaashiga dhanka amniga, gaancsiga hormarintiisa, in la iska kaashado shidooyinka dalka ka jira oo cadowga meel looga soo wada jeesto iyo in la fududeeyo isu socodka Itoobiya iyo Puntland.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

“Safarkaasi waxa uu guul u ahaa Itoobiya iyo Puntland , waxa uuna muujinayey baahida labada dhinac oo ah ganacsiga iyo amniga “ayuu yiri madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa dalka dib ugu soo laabtay xili dhaq-dhaaqa ganacsiga dekadda Bosaso uu ku jiro hakad , doonyaha sideyna alaabaha ganacsiga ay ku sugan yihiin bannaanka dekadda.

SOMALI NEWS

To Top